Tuesday, June 24, 2025

Heshiis ay gashay dowladii Xasan Sheekh oo Soomaaliya oo loo heysto Lacag ka badan 180 Milyan Doolar [Akhriso]

Shirkad lagu magacaabo Amo Shipping Company (AMOSC) oo ka dhisan jasiiradda Qubrus ayaa dacwad ku soo oogeysa dowladda Soomaaliya, iyadoo ka dooneysa lacag ka badan 183 Milyan oo doolar.

Shirkaddan ayaa waxaa heshiis la gashay dowladii madaxweyne Xasan Sheekh oo sanadkii 2013-ka kula heshiisay inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u smaeyso 6 markab oo kuwa roondada xeebaha ah, waxaana arrintan ay gaartay dacwad markii dowladda Soomalaiya ay kasoo bixi weysay heshiiskaasi.

Dacwadda ayaa waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda ku taalla dalka Holland, iyadoo shirkadda Shirkadda Amo Shipping Company (AMOSC),  ay dowladda soomaaliya ku wergeliysay inay ka dacweyneyso Maxkmadda Transport and Maritime Arbitration ee magaalooyinka Rotterdam iyo Amsterdam ee Holland.

Shirkadda AMOSC, waxaa ay dooneysaa inay hesho € 132 million oo lagu daray dul-saar dhan € 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta oo dollar ahaan noqoneysa 183  Milyan oo doolar.

Heshiikan 6-da markab loogu sameynayo Soomaaliya, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), iyadoo aan wax xiriir ah lala sameyn.

WARKA HESHIISKA HOOS KA AKHRISO

DAAWO: Maraakiib Dagaal oo dowladda Soomaaliya loogu sameynayo Yurub

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON