Kulankii labaad ee dhex maray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo labada guddoomiye ee xisbiyada Mucaaradka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Feysal Cali Waraabe ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa iyadoo lagu gaaray heshiis ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Somaliland.
Kulanka kadib waxaa saxaafadda la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo sheegay in si xukuumadda iyo xisbiya Kulmiye u dhaqangeliyaan go’aanadii Odayaasha ay qaadatay muddo 15 maalmood ah, iyadoo markaas kadib uu soo bixi doono War lagu farxo.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland uu aqbalay inuu ka noqdo magacaabidda Guddiga Doorashada ee muranka dhaliyey, isla markaana uu qaatay go’aanadii dhexdhexaadinta ahaa ee ay soo saareen Guddiga odayaasha, ganacsatada iyo culimaa’udiinka ee dhexdhexaadinta ka dhex waday labada dhinac.
Heshiiska lagu gaaray kulanka labaad ayaan la shaacin, waxaana la sugayaa go’aanka uu soo saari doono madaxweynaha Somaliland 10-ka Janaayo 2020-ka.