Monday, July 14, 2025

Heshiis dhex maray Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Odayaasha Beesha Xawaadle

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la yeeshay Nabadoonada iyo WxXgaradka beesha Xawaaadle oo tabasho weyn ka qabtay dhismaha maamulka Hirshabeelle tan iyo intii la doortay Cali Guudlaawe.

Cali Guudlaawe oo uu wehliyo ku xigeenkiisa aya saacado wadahadal ah kadib shaaciyey inay heshiis rasmi ah ka gaareen diidmadii iyo tabashadii ay Beesha Xawaadle ka qabeen Maamulka Hishabeelle. waxaana la sheegay in hadda kadib ay wadashaqeyn doonaan labada dhinac, kana shaqeyn doonaan midnimada iyo wadajirka Hirshabeelle.

Heshiiska oo aan lasoo bandhign ayaa wararku sheegayaan inay ka mid yihiin arrinta caasimadda Hirshabeelle iyo xilka madaxweynaha Hirshabeelle oo Cali Guudlaawe aqbalay in go’aan qanciya Beesha Xawaadle laga gaaro, ayna labada beel kala qeybsadaan.

Arrimaha kale ee la isla gartay ayaa ah in dib loo qaabeeyo awood qeybsiga xildhibaannada Hirshabeelle iyo Maqaamka Gobolka Hiiraan dib loo eego, iyadoo aan heshiis la saxiixin, laakiin la isku afgrtay.

May be an image of 12 people and people standing
May be an image of 3 people and people standing
May be an image of 9 people and people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON