Monday, June 23, 2025

Heshiis Nooc cusub ah oo dhex maray Shirkado Ceymis oo ka jira Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga

Laba shirkadoo oo Ceysmis ah ayaa heshiis ku kala saxiixday dalka Turkiga, wuxuuna heshiiska dhex maray shirkadaha Ceymiska Islaamiga Soomaaliya (Somali Takaful and Re-takaful) iyo shirkadda Ceymiska dalka Turklga.

Heshiiskan oo ah nooc cusub ayaa yimid kadib markii uu Guddoomiyaha shirakadda Takaful ee Somalia ka jirta Maxamed Cabdi Maxamed ay dalka Turkiga kulamo kula yeesheen ganacstada dalkaassi iyo madaxda shirakdda Ceymiska Turkiga. waxaana heshiisku ku saabsan yahay wada shaqeynta shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga iyo in xarun shirkada Takaful leedahay laga hirgaliyo dalka turkiga.

Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur,ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga.

Ad

Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid,mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga.

Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska,sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada,Ceymiska baabuurta,Guryaha IWM, iyadoo shirkado ceymis oo si buuxda u shaqeeya aysan weli Somaliya ka hana qaaadin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON