Khilaafkii u dhaxeeyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyay kadib markii qodobkii ay isku hayeen xeer jajab lagu afjaray, waxayna heshiis hoose la galeen xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenadiis C/weli Muudey iyo Mahad Cabdalla ayaa isla gartay inay saddex xubnood oo ah madaxdii Guddigaasi laga saaro Guddiga Maaliyadda ee ay isku heysteen, kaasoo Guddoomiye ku xigeenada ay kala direen, halka Guddoomiyaha uu dib u soo celiyey.
Dhinaca heshiiska keenay in la isku shaandheyn lagu sameeyo Guddigii Maaliyadda, waxaa ku soo hoos jiray heshiis kale oo Guddoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ay ku heshiiyeen in degdeg loo ansixiyo miisaaniyadda 2019, iyadoo aan dood dheer laga gelin.
Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa ka dhex muuqda heshiiskan qarsoodiga ah oo xildhibaanno badan ay shaki ka muujiyeen, waxaana lagu faray guddiga Maaliyadda iyo xubnaha cusub ee lagu soo daray inay doortaan guddoon, isla markaana 30-ka bishan Disembar 2018 ay Golaha Baarlamaanka ku hor keenaan Miisaaniyadda, isla maalintaasina uu ansixiyo Baarlamaanka Miisaaniyadda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inta uusan sanadkan dhammaan oo 5 maalmood ay ka harto la ansixiyo Miisaaniyadda si ay magac xumo uga imaan inay miisaaniyad la’aan noqoto sanadka cusub.
Waxaa xusid mudan inuusan in Baarlamanka Soomaaliya aanu sameyn xisaab-xirka miisaaniyadda labadii sano ee xukuumaddan ay joogtay 2017 iyo 2018.
Heshiiska qarsoodiga ah ee dhex maray Guddoonka Baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa ku saabsan in Guddoonka uu cod geliyo Miisaaniyadda 2019 iyadoo aan dood badan laga yeelan.