Tuesday, July 1, 2025

Hirshabeelle oo Iskoor cusub u dhigtay Doorasho ay kuraasta GSH kusoo wada laabteen xildhibaanadii hore

Maamulka Hirshabelle ayaa maanta qabtay doorashadii ugu horeysay kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay soo wada laabteen xildhibaannadii hore.

Lix kursi oo maanta lagu soo doortay magaalada Jowhar waxaa xilalkoodii mar kale kusoo laabtay dhammaan lixdii xildhibaan, taasoo ay u fududeysay taageerada ay ka heleen Maamulka Hirshabeelle, waxayna noqotay iskoor cusub, marka la eego Puntland, K/Galbeed iyo Jubbaland oo soo saaraya xildhibaanno cusub.

Xildhibananada ku soo baxay maanta doorashadii Jowhar waxay kala yihiin:

Kursiga HOP033 waxaa kusoo baxay Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale) oo hore ugu fadhiyey, isagoo helay 69 cod, halka musharax Maxamed Xuseen Sabriye oo la tartamay uu ka helay, 22-cod, waxaana xumaaday 6 Cod.

Kursiga HOP005 waxaa kusoo baxay Maxamed Cumar Ceeymoy oo kursigaan ku faddhiyey 8-dii Sano ee la soo dhaafay, isagoo helay 73 cod. Maxamed Cumar Cali isu sharxay kursian ayaan goobta doorashada kasoo xaadirin, waxaa kaloo maqnaa ergadii, inkastoo loo farsameayay; waxaana codkii la qaaday uu ka helay 13-cod, iyadoo ay xumadeen 7 cod.

Kursiga OP052 waxaa gacantaag ku qaadatay Farxiyo Maxamuud Dhaqane, kadib markii ay tartanka isaga hartay haweeneydii la tartami lahayd. Farxiya oo kuirsiga hore igu fadhisay ayaa helay gaaraya 93-cod.

Kursiga HOP088 ayaa waxaa ku soo baxay Dahabo Suusow Maxamuud oo sidoo kale hore ugu fadhiday kursigaan, iyadoo heshay codaadka ergada, markii ay ka hartay doorashada Musharax Jamiila Maslax Bullow.

Kursiga HOP097 ayaa waxaa markale kusoo baxday Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo 20 sano ku fadhiday kursigan, markii ay ka hartay tartanka mushrax Hodon Maxamed Xersi, waxaana u tartamida kursiga laga reebay Musharrax Xildhibaan Baarliin Maxamuud Biin. Cod gacantaag ah 99 ergo ayey ku qaadatay kursiga.

Kursiga HOP089 waxaa isna cod gacantaag ah kusoo baxay xildhibaankii hore u fadhiyey ee Maxamuud Maxamed Jimcaale, markii ay ka hartay Doorashada musharax Ubax Haashim Odowaay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON