Saturday, June 28, 2025

Hirshabeelle oo Rikoor cusub ka dhigtay Aqalka Sare ee Barlamanka Somaliya [Sawirro]

Xildhibaanada Aqalka sare ee laga soo doortay magaalada Hirshabeelle ee maamulka Hirshabeelle ayaa rikoor cusub ka dhigay xafladii dhaarinta Aqalka sare.

Laba xildhibaan oo ka soo jeeda Hirshabeelle ayaa noqday qofka ugu da’da weyn uguna da’da yar ee xildhibaanada Aqalka sare, taasoo keentay in guddoonka KMG ah ay la wareegaan labada qof.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage ayaa noqday qofka ugu da’da weyn Aqalka sare ee Baarlamaanka, isagoo noqday Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka sare. Intaas kuma ekeyn ee waxaa lagu dhawaaqay in qofka ugu da’da yar ay tahay Fartuun C/qaadir Karaama oo iyana lagu soo doortay Jowhar, Hirshabeelle.

Guddoomiyaha dhinaca da’da ah ee Baarlamaanka ayaa waxaa caawiye ama xoghaye u noqonaya qofka ugu da’da yar oo Aqalka sare ay isla qaateen xubnaha ka soo jeeda Hirshabeellle.

xildhibaan-maxamed

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON