Thursday, June 26, 2025

Hirshabeelle oo soo saartay Amar lagu soo xirayo Yuusuf Dabageed & Xiisad ka taagan Beledweyne

Maamulka Hirshabelle ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ciidamo taabcsan ay maanta dagaal la galeen ciidamo kale oo maamulka Hirshabelle ka tirsan.

Xeer ilaaliyaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa soo saaray Qoraal Amar ah oo lagu soo xirayo Yuusuf Dabageed, waxaana uu sheegay in loo heysto denbiyo gaaraya 10 Qodob oo ay ku jiraan Abaabul dagaal sokeeye, ku-tumashada Dastuurka, ku takri fal awoodeed iyo dembiyo kale.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa diiday in xil ka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana maghaalada Beledweyne ka taagan xiisad culus markii ay maanta dagaalameen ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa taabacsan Yuusuf Dabageed, iyadoo lagu dilay taliyihii Booliska Hiiraan.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON