Maamulka Hirshabelle ayaa ka hor yimid qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia oo ku saabsan habraaca Doorashada Maamul Goboleedyada dalka.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Hirshabelle ayaa lagu sheegay inay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda uu baalmarsan yahay Federaalka , dowlad wanaaga iyo nidaamka dimoqraadiyadda, ayna ka hor imaaneyso Dastuurka Federaalka iyo ka maamulkaasi.
Hirshabeelle ayaa heshiis kula jirta dowlada Somalia, laakiin xiriir dhex maray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo dhiggiisa Puntland ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeeshay, iyadoo Puntland ay wakiil ka tahay xiriirka maamul Goboleedyada Soomaaliya Imaaraadka Carabta.
HOOS KA AKHRISO
