Maamulka Hirshabelle ayaa qeylo dhaan ka keenay qorshe degaanadiisa looga saarayo ciidamada AMISOM ee kasoo jeeda dalka Brundi.
Waxaa socda Qorshe ay AMISOM dejisay oo ah in dhamaadka bishan ay dalka ka baxaan ciidamada AMISOM ee ku sugan degaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka mid yihiin Cadalle, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali, iyadoo madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta Hirshabeelle ay ka hor yimaadeen qorshahan.
Madaxweynaha Hirshabelle oo magaalada Muqdisho dhowaan kula kulmay madaxda AMISOM ayaa loo xaqiijiyey inaan laga noqon karin qorshaha ciidamada AMISOM looga saarayo dalka oo saameyn ku yeelan doonta Gobolka Sh/Dhexe, taasoo keentay in qeylo dhaan uu soo saaro.
Waxaa shalay booqday magaalada Jowhar xubno ka tirsan Aqalka Sare oo dacwad ka timid maamulka Hirshabeelle, kuna saabsan bixitaanka ciidamada Burundi loo gudbiyey, waxaana arrintaasi loo gudbin doonaa dowladda Federaalka oo arrintan ka gaabsatay, iyadoo aanay jirin qorshe ciidamo bedelaya ciidamada baxaya.
Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada ka baxaya gobolka Sh/Dhexe ay halis amni ku keenaan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle, waxaana laga cabsi qabaa inay la wareegto AMISOM.