Hoggaaminaya Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
C/raxmaan C/shakuur in ay ka wadahadleen xoojinta hannaanka dimoqoraadiyada, dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaliya. halka Adem Ducaale uu sheegay inay ka wadahadleen sidii ay nabadda iyo midnimada Soomaaliya uga wada shaqeyn lahaayeen dowladda iyo xisbiyada.
Waxaa kulanka qeyb ka ahaa Xildhibaan Gelle Mursal oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Aden Barre Ducaale uu ku booriyey xubnaha uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur inay waaya aragnimo ka qaataan xisbiga uu hoggaamiyo ee Jubiolee, kaasoo haya talada dalka Kenya.
Aden Barre Ducaale ayaa hore loogu eedeeyay inuu ka danbeeyay markii ciidamada Kenya ay C/raxmaan C/shakuur ka hor istaageen kulan uu ku qaban lahaa magaalada Nairobi sanadkii hore.
SAWIRRO


