Kadib booqasho rasmi ah oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku tegay Kenya iyo wadahadal dhex maray madaxweynaha Kenya ayay war cad kasoo saareen xaaladda Soomaaliya, Alshabaab iyo muranka ka taagan maalgelinta AMISOM.
War-murtiyeed wadajir ah oo labada hoggaamiye soo saareen ayay ku sheegeen in Alshabaab ay halis ku tahay amniga Soomaaliya iyo kan Gobolka, waxayna walaac ka muujiyeen sida beesha caalamka uga caga jiideyso maalgelinta ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Labada dal oo ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaale darrada AMISOM heysata ay halis gelineyso horumarka ay AMISOM ka gaartay dagaalka ay kula jirto Alshabaab, waxayna caddeeyeen in labada hoggaamiye ay galaangal u gelayaan sidii dhaqaale joogto ah oo ku filan loogu heli lahaa AMISOM iyo tababarka ciidamada Soomaaliya.
Labada hoggaamiye ee Kenya iyo Itoobiya waxay walaac ka muujiyeen saameynta danaha shisheeye ku yeelan karaan xaaladda Soomaaliya ee ujeedkoodu yahay in xasilooni daro looga abuuro Soomaaliya.