Xogo dheeraad aha ayaa kasoo baxaya weerar ay ciidamo gaara oo Mareykan ah xalay ka fuliyeen magaalada Idlib ee dalka Syria, iyadoo lagu dilay hoggaamiyihii Ururka khilaafada islaamiga ee Daacish Abuubakar Al-baqdaadi.
Howlgalka oo ay fuliyeen ilaa 60 ilaa 70 askari oo kala ah Delta iyo Rangers oo watay 6 Diyaaradood oo kuwa Helikobtarka ah ayaa bilwoday xalay saqdii dhexe, wuxuuna socday muddo 5aacadood ah, iyadoo saraakiisha Mareykanka laga soo xigtay inuu is qarxiyey Abubakar Albaqdaadi markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan, isagoo markii horeba dagaalamay, waxayna isaga iyo xaasaskiisba xirnaayeen Suunka is-qaraxa..
Laba xaas oo uu qabay Hoggaamiyaha Daacish ayaa sidoo kale la sheegay inay is qarxiyeen, waxaana howlgalka ku dhintay dad ku dhow 10 qof, laakiin waxaa ka badbaaday laba caruur ah oo uu dhalay ninkii lahaa guriga. waxayna ciidamada Mareykanka qaadeen jirka hoggaamiyaha Daacish oo baaritaan lagu hayo DNA-da laga qaaday, si loo xaqiijiyo inuu isagu yahay qofka la dilay, waxaana sugayaa shir jaraa’id ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Ciidamada howlgalka fuliyey ee Mareykanka ayaa kasoo duulay magaalada Irbiil ee Kudiyiinta Ciraaq, waxaana la sheegay in xogta lagu dilay Abuubakar Albaqdaadi uu bixiyey qof u dhow oo sirdoonka Mareykanka la shaqeeyay.