Saturday, July 5, 2025

Madaxweyne ku xigeennada Axmed Madoobe oo la ansixiyey, laguna hor dhaariyey Baarlamaanka Jubbaland

Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ee doorrtay Axmed Maxamed Islaam ayaa  maanta  ku ansixiyey Madaxweyne kuxigeenada Jubbaland ee uu dhowaan magacaabey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka Baarlamaanka Jubbaland oo ka dhacay magaalada Kismaayo looga hadlay ansixinta magacaabista  labada Madaxweyne kuxigeen ee Jubbaland ee kala ah Maxamuud Sayid Aadan -madaxweyne kuxigeenka koowaad iyo Cabduqaadir  Xaaji Maxamuud (Lugadheere) -Madaxweyne ku xigeenka labaad oo mar kale dib loo magacaabay.

Labada mas’uul ayaa lagu hor dhaariyay baarlamaanka Jubbaland, iyadoo dhammaan madaxdii hore ay dib u soo wada laabteen, mana jirin wax isbedel ah oo ka dhacay maamulkaasi, kadib doorashada ay sharci darrada ku tilmaantay dowladda Federaalka ee dib loogu doortay Axmed Madoobe Ogost 2019.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON