Tuesday, June 24, 2025

Hogaamiyaha Ahlu Suna oo Ciidamo urursanaya & Banaanbaxayaal lagu kala eryay magaalada Dhusamareb

Wararka laga helayo Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax uu halkaasi ka wado olole uu ciidamo ku urursanayo si uu uga hortago dowladda Somalia oo ciidamo badan geysay magaaladaasi.

Hoggaaminaya Ahlu suna ayaa inta badan ciidamadii taabacsanaa waxay ka mid noqdeen ciidamadii ay la wareegtay dowladda Somalia ee ka mid noqday milateriga iyo Booliska dowladda Somalia, kuwaasoo mushaarkooda bishii labaad ka helay xukuumadda Soomaaliya, taasoo keenay inay dhibaato ku noqoto sidii uu ciidamadaasi dib ugu soo ceshan lahaa, laakiin wuxuu ciidamo ka dalbaday Guriceel iyo Xeraale.

Dadaalka Macalin Maxamuud ayaa weli socda, iyadoo warar kala duwan sheegayaan inuu helay ciidamo ku dhow 100 askari, inkastoo hubkooda waaweyn uu yar yahay, waxaana socda waanwaan hoose oo laga dhex wado hoggaamiyaha Ahlu suna iyo dowladda Federaalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somalia ayaa sheegay in Ahlu suna ay dib ugu yeeraneyso ciidamadii la qarameeyay ee Ahlu suna, iyagoo aan wax tabasho ah u gudbin dhinacooda, wadahadal ahna, wuxuuna caddeeyay inay shaqsi ahaan uga dalbadeen in ciidamada qeybta 21aad iyo taliyahooda ay ka baxaan Dhuusamareeb, taasoo ay hore u saxiixeen.

waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanat ay ka dhaceen banaanbaxyo iska soo horjeedo oo ay dhigayeen qeybaha kala dwuan ee bulsahda ku nool Magalada Dhuusamareeb,

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb lagu kala ereyay banaanbaxayaal kala taageeraya dowladda Somalia iyo Ahlu suna, waxaana dadkaasi oo aan badneyn ay isugu soo baxeen wadooyinka magaalada oo markii danbe ay ciidamada Booliska kala eryeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON