Hoggaamiyaha Ahlu suna ayaa qoraal uu kasoo saaray magaalada Dhuusamareeb wuxuu si cad uga hor yimid qorshaha ay dowladda Somalia ciidamo ku geyneyso magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ka digay wixii arrintaasi ka dhasha inay qaadeyso Dowladda Federaalka.
Qoraalka oo la sheegay inuu kasoo baxay shir ay yeesheen Culimaa’udiinka Ahlu suna ayaa ka kooban 11 qodob iyo 5 Qodob oo baaq ah, waxaana lagu eedeeyay dowladda Somalia inay ka cago jiideyso fulinta heshiiska ay la gashay Ahlu suna, iyadoo dhinaca kale lagu caddeeyey in shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dowladda Federaalka ka wado Dhuusamareeb uu yahay faragelin ay wado dowlada Federaalka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

