Monday, June 23, 2025

Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ka badbaaday Duqeyntii Mareyanka

Hoggaamiyaha ururka Khilaafada islaamiga ee Daacish u qaabilsan Soomaaliya Sheekh C/qaadir Muumin ayaa ka badbaaday duqeyn diyaaradaha Mareykanka ku qaadeen goobta uu ku dhuunto ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali ayaa xaqiijiyay in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin uu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku u qaadeen buuralayda Gobolka Bari ee kooxdaasi Saldhigga u ah.

Hoggaamiyaha  Daacish ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir Muumin
Hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir Muumin

Weerarka oo Mareykanka ay sheegeen in dowladda Soomaaliya  ay xiriir kala sameeyeen ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu dilo Sheekh Cabdulqaadir Muumin, laakiin laba jeer oo la duqeeyay goob lagu tuhunsanaa ay u suuragashay inuu ka badbaado.

Alsahbaab iyo Daacish ayaa ka wada howlgala Gobolka Bari iyadoo maamulka Puntland aanu ku guuleysan muddo sanado ah inuu halkaasi ka saaro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON