Sunday, July 6, 2025

Hoggaanka Sare ee Alshabaab oo Bayaan kasoo saaray Weerarkii Manda Bay, Kenya & Shuruudo ay hordhigeen Mareykanka..

Alshabaab ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Ururkaasi, kaasoo uu jeediyey afhayeenka guud ee Xarakada, Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Bayaankan oo lagu tarjumay luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska ayaa looga hadlay weerarkii Maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Manda Bay ee lagu magacaabo Kaam Simba, Gobolka Lamu, Kenya, waxaana laga hagaa howlgallada Mareykanka ka fuliyo Somaaliya iyo Bariga Afrika.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in Koox ka mida Ishtish-haadiyiinta Alshabaab ay Saldhigga ku dileen 17 askari oo Mareykan ah iyo 9 Ciidamada gaarka ah ee Kenya, iyagoo howlgal qorsheysan ka fuliyey saldhiggaas, iyagoo burburiyey gaadiid, saanad iyo 7 diyaaradood, ujeedka weerarka ayuu ku sheegay inuu olole dagaalka ee Alshabaab ugu magac dartay “Qudus Lama Yahuudeynayo”, isagoo ahaa weerarkii labaad kadib weerarkii Saldhigga Balidoogle, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay qadiyadda Falastiin.

Sheekh Cali Dheere ayaa shuruud hordhigtay dowlada Mareykanka haddii ay dooneyso inay ka badbaado weeraradooda, wuxuuna ka dalbaday inay joojiyaan dhammaan taageerada iyo tababarrada ay siiyaan maamulka Yahuudda, sidoo kalena joojiyaan duqeymaha ka dhanka ah dumarka iyo caruurta Muslimiinta, ciidankooda kala baxaan wadamada Muslimiinta, soo daayaan maxaabiista Muslimiinta ee sida xaq-darrada ah ugu xiran xabsiyadooda.

Sheekh Cali Dheere ayaa bayaankiisa ku yiri “Hadaba Haddii ay u hogaansami weydo dowlada Mareykanka- dalabkaas natiijadu ma noqon doonto keliya in dhiig hor leh ciidankiina uga daato dhulalka Islaamka, balse waxaa halis gelin doona nolosha iyo masaalixda dhamaan dadka Ameerikaanka ah ee kunool daafaha dunida..”

Wuxuu kaloo shacabka Mareykanka ugu sheegay shacabka Mareykanka inay ku seexdaan, kuna soo toosaan in inta dowladdiinu ay sii waddo inay maamulka Yahuudda ku taageerto dulmigooda ka dhanka ah dadka reer Falastiin ee Muslimka ah inaysan amni iyo ammaan ku heli doonin gudaha dalkiina, ama dibadiisaba intaba.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON