Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar Hoobiyeyaal ah lagu qaaday caawa magaaladaasi.
Madaafiic ayaa laga maqlay magaalada Baladweyne, iyadoo jugta qaraxyada ay gaartay magaalada, waxaana la sheegay in ilaa Afar madfac oo Hoobiye ah ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Magaalada.
Inta badan Madaafiicda ayaa ku dhacay Xaafada Xaawa Taako, gaar ahaan degaanka Nuur-xaad halka madfac kale uu ku dhacay Xaafada Buunda weyn.
Lama soo werin qasaare ka dhashay madaafiicda lagu weerraray magaalada Beledweyne, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada amniga ay howlgal ka wadaan magaalada.
