Tuesday, June 24, 2025

Hooyada dhashay dhibane Ikraan Tahliil oo farriin Qiiro leh & Qeylo-dhaan u dirtay Farmaajo iyo Rooble

Hooyada dhashay dhibane Ikraan Tahliil Faarax ayaa si qiiro leh uga hadashay gabadheeda oo muddo laba bilood ah ka maqan, lana waayey meel ay ku sugan tahay raq iyo ruux.

Hooyada Qaali Maxamuud Guhaad oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa caddeysay inay muddo laba bilood ah u buuxsantay gabadheeda oo ku afduubtan Muqdisho, iyadoo aanay jirin cid ka hadleysa, waxayna Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble sheegtay inaysan waxba ka qaban oo ay telefoonada ka dansadeen.

Sidoo kale Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayey sheegtay inay la kulantay, isagoo qabsaday muddo 2 maalmood ah inuu siiyo, kuna soo warcelin doono, balse aanay jirin wax uu ka qabtay, isla markaana shirkadda Hormuud ay diiday inay qoyska siiso Telefoonkii ugu danbeeyay ee soo wacay gabadaha.

Hooyo Qaali oo barooraneysa ayaa sheegtay in gabadheeda ay ka hadlaan madaxda dowladda ee Farmaajo iyo Rooble. “Gabadheyda uma afduubnaan karto nimankaas, ha la iiga soo daayo.. Madaxweynihii ma hadlaayo, Ra’iisal wasaarihii ma hadlaayo… gabadh 23 sano jir ah ayaa hoostooda ku afduuban.. inaan Soomaali nahay ayaa shaki naga gally..” ayey tiri Qaali Maxamuud.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON