Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad ayaa jawaab degdega ka bixisay Qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Farmaajo ayaa caawa Guddi cusub loogu magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka mida ahayd sarakiisha Hay’adda NISA, balse la waayay, laguna tuhunsan yahay inay ku maqana tahay gacnata madaxda NISA.
Hooyo Qaali ayaa ku eedeysay inuu Farmaajo hortaagan yahay kiiska gabadheeda oo caqabad ku yahay, waxayna Alle uga bariday inuu xaalamad kasoo saaro qoyskiisa, iyadoo dhinaca kale sheegtay inay dacwad kusoo oogi doonto Farmaajo.
“Kuma qanacanin, mana aqbali doono warqadda uu Farmaajo Guddiga ugu saaray kiiska Ikraan Tahliil, waxaan ku qanacsanahay Maxkamadda Milateriga. Haddii uu Farmaajo kiiska Ikraan ka hor wareegi waayo waxaan u qaadaneynaa inuu isagu bixiyey afduubka Gabadheyda..” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad.
Waxay u digtay laba xildhibaan oo kala ah C/raxmaan Xersi Kulmiye iyo C/shakuur Cali Mire iyadoo sheegtay inay kiiska Ikraan Lid ku yihiin, ayna qaraabo la kala yihiin Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
