Tuesday, July 22, 2025

Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Alshabaab oo lag dilay duqeyn ka dhacday Gobolka J/Dhexe

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan kooxda Alshabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ilaa 15-ka mida  Alshabaab lagu dilay, qaar kalena lagu dhaawacay duqeyn xalay ka dhacday tuulada Hargeysa Yarey ee Gobalka Jubada Dhexe, iyadoo la sheegay in la weerarray goob ay shirayeen saraakiisha sare ee  Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday meel 11-KM  u jirta tuulada Hargeysa yarey, iyadoo la sheega in saddex Gantaal lagu dhuftay goobtaasi. Horjoogayaasha  Alshabaab ee shirka goobtasi joogay ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen: Daahir Gacamey, C/raxmaan Takar, Sayid Dheere, C/laahi Rabbi, Horjooge Waliid iyo kuwo kale.

Ma jirto cid xaqiijisay warkan iyadoo aysan weli wax war ah kasoo saarin taliska Mareykanka ee AFRICOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON