Thursday, June 26, 2025

Horjooge ka tirsan Daacish-ta Somalia oo lagu dilay duqeyntii Mareykanka [Akhriso Magaciisa]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar duqeyn cirka ah oo Mareykanka ku qaaday kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Weerarka oo ka dhacay Gobolka Bari, duleedka Degmada Qandala ayaa wararka la helayo ay sheegayaan in lala beegsaday hoggaamiye ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay C/casiis Guure oo ahaa madaxda Saadka ee kooxda Daacish.

Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa War uu kasoo saaray weerarkan oo dhacay Isniintii shalay waxaa lagu sheegay in lagu dilay hal maleeshiyo, kaasoo ay soo baxday inuu ahaa madaxa Daacishta Soomaaliya u qaabilsan Saadka.

Weerarkan ayaa ahaa kii labaad ee diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku qaadaan kooxda Daacish ee fariisinka ku leh Gobolka Bari ee maamulka Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON