Friday, July 4, 2025

Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo isu dhiibay Dowladda Soomaaliya [Daawo Sawirro]

Horjooge ka tirsan Alshabaab ayaa isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya iyadoo hay’adda Nabadsugidda ay soo bandhigay horjoogahan.

Ibraahin-Alshabab

Horjoogahan oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) ayaa lagu soo bandhigay Xarunta NISA ee Gobolka Banaadir, waxaana caawa saxaafadda wareysi kula yeelatay halkaasi.

Wuxuu  ahaa madaxa Xafiiska Waxbarasha Gobollada Baay iyo Bakool, isagoo uu sheegay in sidoo kale uu xilal dhowr ah ka soo qabtay Al-shabaab.

Wuxuu caddeeyay inuu ka horjeeday qaabka khaldan ee diinta u fasireyso Alshabaab oo muddo laba sano ahba aanu la dhacsaneyn falalkooda.

Ibraahim-Alshabaab2

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) Horjooge ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya

Waa mas’uulkii ugu sareeyay ee muddooyinka isu soo dhiiba dowladda Soomaaliya iyadoo Alshabaab ay hadda sii kordhisay falalka qaraxyada iyo dilka ah ee Koonfurta Soomaaliya.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON