Waxaa caawa lagu dhawaaqay in howlgal culus uu ka bilowday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ciidamadu fulin doonaan dhaqdhaqaaqyo lagu sugayo amniga.
Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa shaaciyey jiritaanka howlgalka, iyadoo maamulka G/Banaadir uu sheegay inuu diyaariyey gaadiid lagu qaado dadka liita ee ay wadooyinka ka xiran yihiin, wuxuuna dadka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga.
Howlgalka culus ee Muqdisho ka bilowday ayaa la sheegay inay gaaraan golaha wasiirada oo galabta ilaa caawa shira uga socdo magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamadu ay si joogto ah u xireen wadooyinka Muqdisho, isla markaana baaritaanno guri-guri ah laga sameyn doono magaalada.
Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo shir degdeg ahaa oo looga hadlay arrimaha amniga caasimada ku yeeshay Muqdisho ayaan ka soo bixin wax amarro ah oo cusub, iyadoo la sheegay in guddi loo saaray arrinta.