Ciidamada Booliiska iyo Nabadsugidda Mudug ee Puntland ayaa howlgal ay ka fuliyeen magaala Gaalkacyo ayaa la sheegay inay ku qabteen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilal kala duwan ka geysatay gudaha magaaladaasi,
Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay 7 xubnood oo Alshabaab ah, kuwaasoo lagu jiray, magaaladaasi ka fulin jiray qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, waxaana kooxdan ka mida sida la sheegay laba horjooge.
Xubnaha Alshabaab ee la qabtay ayaa wareysiyo lala yeeshay ku sheegay inay ka dambeeyeen dilalkii iyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo laga soo bilaabo 2018, iyadoo weli ay socdaan baaritaanka lagu hayo xubnahan.
Waa howlgalkii ugu muhiimsanaa ee magaalada Gaalkacyo lagu qaado Alshabaab markii xog laga helay kooxdan.
