Sunday, July 6, 2025

Howlgal ka dhacay Muqdisho oo lagu soo qabtay xubno Alshabaab u fududeeya Qaraxyada

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada amniga ka fuliyeen magaaladda Muqdisho shalay 18-ka Maarso ayaa la sheegay in lagu soo qabtay labo xubnood ka tirsan Alshabaab.

Warka ayaa lagu sheegay in mid ka mida labada xubnoode ee lasoo qabtay uu Maleeshiyaadka Alshabaab u qaabilsanaa dilalka Qorsheysan, isagoo ka qeyb qaatay, isla markaana fududeeyey saddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Xubinta labaad ee laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabadgelyada guud  ee dalka, sida lagu sheegay warka lagu baahiyey Warbaahinta dowaldda.

Ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey howlgalka, lamana shaacin magacyada iyo muuqaallada xubnaha la qabtay, iyadoo marar badan hore loo shaaciyey howlgallo noocan oo kale ah oo aan wax caddeyn ah wadan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON