Wararka laga helayo magaalada Dhuusamreeb ayaa sheegay inuu halkaasi ka socdo howlgal lagu baadi goobayo waxyaabaha qarxa oo la sheegay in lasoo geliyey magaaladaasi, lagana cabsi qabo in weerarro ay ka dhacaan.
Ciidamada Galmudug (Ex. Ahlu suna) ayaa wada baaritaan dheeraad ah oo lagu magaalada, kadib markii laga war helay in magaaladaasi la soo geliyey qaraxyo la doonayo in lala beegsado xaflad lagu soo gabagabeyn lahaa mowliidka oo maanta loo baajiyey xaalada amni ee magaalada ay gashay.
Wararka ayaa sheegay in howlgalka socda lagu soo qabtay dad gaaraya 30 qof oo laga shakiyey, waxaana magaalada ka taagan cabsi ku saabsan inay qaraxyo ka dhacaan, sida ay sheegeen dadka magaalada ku sugan oo warbaahinta la soo xiriiray.
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa kacsan iyadoo ciidamo badan ay gaaf wareegayaan xaafadaha magaalada.