Thursday, June 26, 2025

Howlgal lagu dilay 16 ka mida Alshabaab oo ka dhacay Sh/Hoose & Sarkaal Ajnabi ah oo ka mida

Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Gobolka Sh/Hoose ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa kooxda Al Shabaab oo Ajnabi ah.

Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Cumar Dheere ayaa idaacadda Ciidamada ee Muqdisho in howlgalka uu ka dhacay degaanka Jilib-Marko ee u dhow magaalada Marko, iyadoo halkaasi  lagu dilay horjooge u dhashay dalka Afghanistaan, kaasoo magaciisa lagu sheegay Nasir Aljabir.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa laga soo xigtay in ninka u dhashay dalka Afghanistan laga yaabo inuu ku dhaawacmay howlgalka oo sidoo kale lagu dilay 16 Alshabaab ah.

Taliyaha ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay sii wadi doonaan hawlgalada dhanka xeebta ka socda ee lagu beegssnaayo xubnaha ka tirsan Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON