Thursday, June 26, 2025

Howlgallo lagu qabtay boqolaal dad ah oo laga fuliyay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Ciidamada xasilinta Ammaanka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay xaafado ka mida degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee Magaalada ee Muqdisho.

Howlgalladan oo xalay iyo saaka kala dhacay ayaa lagu bartilmaameedsaday xaafadaha qaar, waxaana lagu qabtay boqolaal dad ah oo qaar kam ida xabsiyada loo taxaabay, markii la kala soocay.

Goobaha dadka badan laga qabtay waxaa ka mida Waaxda Kacaan ee degmada Hodon oo la sheegay in dhalinyaro badan laga ururiyay, waxaana howlgalka ku cusbaa in ciidamada ay raadinayeen dad gaara oo ay magacyadooda wateen.

Dadka la xirxiray ayaa noqday kuwii ugu tiro badnaa muddooyin oo lagu qabto howlgal qura, waxaana markii danbe dadka la soo qabtay la isugu geeyay saldhigga Degmada Hodon, iyadoo halkaasi lagu kala saaray.

Ammaanka Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay xumaaday kadib markii falal qaraxyo iyo dilal qorsheysan ah ay ka dhaceen magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON