Saturday, July 5, 2025

Ilhaan Cumar oo bilowday Dacwad ay isaga fureyso Saygeeda Soomaaliga ah & Warbixin laga qoray Nin…

Haweeneyda asalkeedu Soomaalida yahay ee ka tirsan Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa bilowday dacwad ay isaga fureyso saygeeda Axmed Xersi, sida ay qortay saxaafadda Mareykanka.

Dacwadaan ayey Ihaan Cumar ka furtay Maxkamadda gobolka Minnesota Jimcihii, halkaasoo laga soo doorto, wuxuuna wakiil u hadlay saxaafadda u sheegay in Qoyska Ilhaan ay marayaan xaalad xasaasi ah, isla markaana ay haboon tahay in la dhowro arrimaha u gaarka ah.

Ilhaan iyo Ahmed Xirsi ayaa i sguursaday sannadkii 2002-dii waxayna kala tageen 2008-ddii Waxay kaddib guursatay nin kale oo lagu magacaabo Axmed Cilmi oo haysta dhalashada Ingiriiska sanadkii 2009, wuxuuna guurku ahaa mid rasmi ah oo dokumentiyada sharciga leh. Kadib waxaa la sheegay inay kala tageen sanadkii 2011, isagoo ku laabtay UK. markaas kadibna waxay dib isu guursadeen sanaddii 2018-kii Axmed Xirsi.

Khilaafka Ilhaan iyo saygeeda ayaa yimid kadib markii saxaafadda ka war heshay xiriir kala dhaxeeya nin gacan weyn ka geystay ololihii doorashadeeda oo lagu magacaabo Tim Mynett oo ka mida kaadiriinta Xisbiga Dimoqraadiga, waana nin caddan ah oo 55 sano jir ah, horena u furay xaas hore.

Ilhaan ay Maxkamadda u sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya caruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo 3-deeda caruur, ayna labada waalid u siman yihiin.

Tim Mynett ,. Ilhan iyo Gabadheeda

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON