Tuesday, June 24, 2025

Ilhaan Cumar oo shaacisay inay guursatay Ninkii Mareykanka ee la-taliyaha u ahaa..

Sida ay qoreen warbaahinta Mareykanka haweeneyda asalkeedu Soomaalida ah ee ka mida Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar ay ugu danbeyn ku dhawaaqday inay guursatay ninkii Mareykanka ahaa ee mudadda dheer lagu xaman jiray ee Tim Mynett.

Warbaahinta NewYork Post iyo Fox News ayaa soo xigtay qoraal kooban oo Ilhaan Cumar ay soo dhigtay barteeda  Instagram-ka iyo sawir ay ka muuqdaan iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett oo ahaa la-taliyaheeda arrimaha siyaasadda iyo madaxeeda ololaha doorashada, waxayna qoraalkeeda ku tiri.

“Waan guursaday, waxaan saaxiibo ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana lammaane ku noqonnay nolosha, waa barako, Alxamdulilaah”.

Saxaafadda ayaa si weyn hore u faaqiday xiriirka shaqada dhaafay ee Ilhan Cumar iyo Mynett oo la shaaciyeysanadkii hore markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin.

Ilhaan Cumar oo iska furtay ninkeedii hore Axmed Xersi oo ay u dhashay saddex caruur ah ayaa hadda u muuqata inay la aqal gashay ninkii Mareykanka ee la-talyaha u ahaa, iyadoo dad badan ay la ahayd inay arrintan dhici karin.

lama oga diinta ay isku guursadeen Ilhan iyo Mynett, waxayna Soomaali badan u arkaan inay ka baxday dhaqankeedii oo ay xor ka noqotay asalkeedii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON