Monday, June 23, 2025

Ilhaan Cumar oo su’aalo ka keentay Duqeyntii Mareykanka ee Galmudug & Wasiir Fiqi oo jawaab culus u diray

lhaan Cumar oo ka tirsan Mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), kana soo jeeda Soomaaliya ayaa madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ka dalbatay inuu faahfaahin ka bixiyo duqeynta uu ka fuliyey Soomaaliya.

Qoraal ay u dirtay Aqalka Cad ayey Ilhaan ku sheegtay in tallaabo milateri oo kasta oo laga fulinayo Soomaaliya ay tahay inay qeyb ka ahaato qorshe weyn oo lagu soo celinayo amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

Waxay su’aal gelisay sharcinimada duqeynta iyo saameynta ka dhalata oo ay hore u dhacday in dad rayid ah lagu dilo, isla markaana halkii lagu wiiqi lahaa awoodda Alshabaab ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah, waxayna sidoo kale qoraalkeeda uga hadashay in loo baahan yahay faahfaahin laga bixiyo qorshaha maamulka cusub ee Joe Biden ku wajahayo xaaladda Soomaaliya.

Ad

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kooxdaAlshabaab.

Dhinaca kale wasiirka Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal u diray Ilhaan Cumar ayaa ugu baaqay inay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed, balse ay u furan tahay la-xisaabtanka hay’adaha dowladda Mareykanka.

“Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Fiqi oo ay ka muuqato inuusan akhrin qoraalka Ilhaan u dirtay Aqalka Cad.

- Advertisement -

Wuxuu toos ula hadlay Ilhaan Cumar isagoo yiri: “Gabadheena Ilhaan ma haboona inay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!”

Wuxuu ugu baaqay inay Ilhaan taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, ama haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!! “Dumaashi dagaalka nala soo gal!” ayuuna kusoo xiray qoraalkiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON