Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarro kulul kala kulmay mudanayaasha labada Aqal ee Koongareeska Mareykanka, kadib bayaan uu xalay kasoo saaray arrinta dilka saxafiga Sacuudiga ee Jamal Kashoqgi oo lagu dilay dalka Turkiga.
Madaxweyne Trump ayaa bayaankiisa ku caddeeyay in laga yaabo in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Saxafiga, ayna dhici karto inuusan ogeyn, wuxuuna ku adkeystay in xiriirka uu Sacuudiga la leeyahay oo ah mid adag.
Ilhan Cumar ayaa ka mida noqotay mudanayaal si weyn u dhaliilay Trump go’aankiisa, waxayna sheegtay in madaxweynaha Turmp uu mar kale caddeeyay inuusan awood lahayn inuu iibsado damiirka dakda.
Iyadoo qoraal soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegay in Sacuudiga inay iibsan karto madaxweyne oo ay ula jeeday Trump, waxaana warka Ilhaan Cumar si weyn u faafiyey warbaahinta Mareykanka.
Xildhibanno waaweyn oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa madaxweynaha Mareykanka ku tilmaamay nin caadi ah oo Sacuudiga u sameynaya dayaacad, wax kastana ay kala weyn yihiin danaha kala dhaxeeya Sacuudiga.