Tuesday, July 1, 2025

Ilhan Cumar oo ka guuleysatay musharaxii ay wateen taageerayaasha Trump & kooxaha Yuhuudda

Haweeneyda asalkeedu yahay Soomaali ee ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka Ilhan Cumar ayaa ku guuleysatay doorashada xisbigeeda Dimoqraadiga u galayo in kursigeeda xildhibaannimo oo laga soo doorto degmo ka tirsan gobolka Minnesota.

Ilhaan ayaa loollan adag la gashay Qaraeen lagu magacaabo Antone Melton-Meaux oo taageero weyn ka helay kooxaha Yuhuudda iyo taageerayaasha Madaxweyne Trump, arrintaas oo ahayd mid la yaab leh oo cabsi badan gelisay taageerayaasha xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii ninkaasi uu lacag fara badan ku bixiyey ololihii Doorashada.

Kadib markii la tiriyey codadka inta badan doorashadii Kursiga degmada 5-aad ee Gobolka Minnesota, waxay Ilhaan heshay codad dhan 57%, halka ninkii la tartamay oo madow ahaa uu helay 39%.

Taageerayaasha xisbiga Dimoqraadiga ayaa markii labaad Ilhaan Cumar u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, iyadoo Doorashada weyn ee Mareykanka ka dhaceysa bisha November kula loolami doontaa musharaxa ka socda xisbiga Jamhuuriga.

Iyadoo ka hadleysay guusha ay ka gaartay Doorashadii is-reebreebka xisbigeeda ayey qoraal ay soo dirtay ku tiri: “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbanay maamul isbadel keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.

Soomaali badan ayaa u dabaal degay guusha hore ee Ilhaan kasoo hoysay Doorashada xisbigeeda, waxaana sugaya Doorashada ugu adag ee Novembar ay la galeyso musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON