Monday, June 23, 2025

Imaam Masjid caan ka ahaa magaalada Boosaaso iyo Walaalkiis oo lagu dilay Magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Wadaad caan ka ahaa magaalada Boosaaso ay dabley hubeysan ku dishay Magaalada Baydhaba, kadib socdaal uu ku yimid.

Ninkan oo muddo dheer imaam ka ahaa Masjid ku yaalla magaalada Boosaaso ayaa lagu magacaabaa Macallin Cali Bashiir Xasan, waxaana la sheegay inuu safar gaaban uga tegay magaalada Boosaaso, isagoo tegay degaannada Koonfur Galbeed, iyadoo lagu dilay duleedka magaalada Baydhabo.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Macallin Cali Bashiir Xasan iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan lagu dilay adegaan hoos taga magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay. Ma jirto faahfaahin laga bixiyey dilka Macallinka iyo walaalkiisba.

Ad

Marxuum Macallin Cali ayaa oo degban ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa muddo ka badan 20 sano mu’addin iyo imaamba ka ahaa masaajidda magaalada Boosaaso, gaar ahaan Masjidka Al-Nawaawi Boosaaso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON