Ciidamada Jabhadda Tigray ee TPLF oo dib ula wareegay caasimadda Gobolkooda ee Makelle iyo magaalooyin kale ayaa sheegay inay sii wadayaan dagaalka inta laga xoreynayo dhammaan Gobolkooda, ayna wiiqayaan awoodda caddowgooda.
Waxay ballanqaaday TPL oo hadda la baxday TDF inay ka saari doonaan ciidamada “caddowga” dhammaan gobolka Tigray, dagaalkuna sii socon doono, inkastoo ay dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin hal dhinac ah.
Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa sheegay inay ciidamadooda ay ku jiraan baacsiga xooggagga Itoobiya iyo kuwa taageera ayna isku fidinayaan Koonfurta iyo Bariga Koofurta Tigray.
“Waxaan hadda Diirada saareynaa inaan wiiqno awoodda caddowga, Marka haddii ay taasi keeneyso inaan aadno Amxaarada waan sameyn doonnaa, haddii ay taasi nagu qaadaneyso inaan ku duulno Eritrea waan sameyn doonnaa” ayuu yiri Getachew oo telefoonka wakaaladda wararka Reuters.
Dib u gurashada ayaa daba socota guulo maalmo ah oo ay gaareen ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowlada Ethiopia iyo xulafadeeda, oo ay ku jiraan ciidamada ka socda deriska ee Eritrea iyo dagaalyahanada ka socda gobolka Ethiopia ee Amxaarada, oo xuduud la leh Tigray koonfurta.
Dagaalyahanada Tigreega ayaa qabsaday magaalada Shire Talaadadii shalay, taasoo ah guushoodii ugu danbeysay kadib dagaalo aad u qaraar oo ka dhacay Gobolka Tigray oo keenay inay ciidamadii Itoobiya dib uga gurtaan.
