Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho kale ku tegay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, isagoo la kulmay dhaxal sugaya dalkaasi Sheekh Maxamed Bin Zayid Alnahyaan.
Kulanka oo ka dhacay Qasriga Baxr ee Abu Dhabi waxaa looga hadlay iskaashiga labada dal iyo mashaariicda dowladda Imaaraadka Carabta ka fuliso Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gacansaar gaar ah la leh madaxda iyo amiirada Imaaraadka Carabta ayaa si joogto ah u booqda dalkaasi, waxayna booqashooyinkiisu intooda badan yihiin kuwo shaqsi ah.
Imaaraadka Carabta oo lacago badan hore si gaara u siisay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xaqiijiyay inay tahay dowlada maalgelineysa ololahiisa doorashada ee uu ku doonayo inuu xilka madaxweyne dib ugu soo laabto.
Wakaalada wararka Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in kulanka labada dhinac looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda amniga iyo taageerada Imaaraadka Carabta siinayo Soomaaliya.
SAWIRRO
Goobjooge.com