Thursday, July 10, 2025

Imaaraadka & Masar oo Xaalad dagaal geliyey dowladda Suudaan kadib heshiisyo ay la gashay Turkiga [Warbixin]

Dowladaha Imaaraadka iyo Masar ayaa xaalad dagaal geliyay dalka Suudaan, kadib markii uu dalkaasi booqday madaxweynaha Turkiga, isla markaaha heshiisyo milateri iyo kuwo ganacsi ay kala saxiixdeen.

Arrintan oo ka careysiisay isbaheysiga Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ayaa keenay inuu xumaado xiriirka Masar iyo Suudaan, kadib markii ay Suudaan dhowaan u yeeratay safiirkeedii magaalada Qaahira, waxaana dalka Suudaan la geliyay xiisad iyo xaalad dagaal.

Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah markii dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemay xuduudka ay la leedahay dalalka Masar iyo Ereteriya. Suudaan ayaa xirtay xuduudka ay la leedahay dalka Ereteriya, siiba Gobolka Kasalla.

Gobolka Kasalla ee xuduudka Suudaan iyo Ereteriya ayaa lagu arkay hub ay leedahay Masar oo saldhigyada ciidan ee Ereteriya la geeyay, taasoo dhaliyay in ciidamada Suudaan heegan la geliyo.

Waxaa hore xiisad colaadeed uga jirtay xuduudka dalalka Masar iyo Suudaan, iyadoo Suudana ay marar badan ku eedeysay Masar inay taageerto jabhadaha Daarfuur ee ku kacsan dowladda Suudaan, waxaana laba dal ay isku heystaan degaanka Xalayb ee xuduudka.

Masar ayaa dhowaan Itoobiya ka codsatay in Suudaan laga saaro wadahadalka ku saabsan Webiga Niil ee saddex geesoodka ah, taasoo uga sii dartay xiriirka xumaa ee Masar iyo Suudaan.

Booqashadii Madaxweynaha Turkiga ee Suudaan iyo heshiisyadii uu la saxiixday Suudaan oo ay ku jirto joogitaan milateri oo Turkigu ku yeesho Badda Cas ayaa keenay in Imaaraadka iyo Masar ay xaaladda ku sii adkeeyaan Suudaan.

Imaaraadka oo saldhig milateri ku leh Ereteriya oo taageero dhaqaale siiya Masar ayaa si weyn uga danbeeya ololaha lagu dhibaateynayo dalka Suudaan oo ku soo dhowaanaya Turkiga.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON