Friday, July 11, 2025

Ingiriiska oo Mowqif yaab leh ka qaatay Bannaanbaxa Jimcaha ee Mucaaradka, kana digay qalallaase

Safaaradda Ingiriiska Soomaaliya mowqif aan la fileyn ka qaatay bannaanbaxa ay ku dhawaaqeeen Musharixiinta mucaaradka, isagoo ayaa welwel ka muujisay halista qalalaase ka dhaca magaalada Muqdisho 26-ka Febraayo 2021.

Farriin kasoo baxday safaarada UK ee Muqdisho ayaa lagu yiri: “Waxaan ka welwelsan nahay halista qalallaase ka dhaca Muqdisho 26-ka Febraayo. Ingiriiska wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is xakameyn ayna ilaaliyaan xasiloonida”.

Farriinta safaarada ayaa sidoo kale lagu shegeya in wadahadal siyaasadeed u yahay jidka kaliya ee Soomalida hore ugu socon karto halkii iska hor imaad iyo qalalaase la sameyn lahaa.

Mowqifka dowladda Ingiriiska ayey hore Musharixiinta Mucaaradka ugu dhaliileen inuu u janjeeray dhinaca Farmaajo, iyadoo farriintan ay xaaladda uga sii dareyso, iyadoo Ingiriiska oo ah dowlad dimoqraadi ah ay qalalaase ku tilmaameyso bannaanbaxa ay ku baaqeen Musharixiinta Mucaaradka.

Safiirkii hore ee UK u fadhiyey Soomaaliya Ben Fender ayaa waqtigiisu dhammaaday, waxaana xilka dhowaan la wareegeysa safiiradda cusub ee lasoo magacaabay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON