Sunday, July 20, 2025

Is-miidaamiye isku Qarxin lahaa munaasabad ay ku sugnaayeen Madaxda Ahlu suna oo lagu qabtay Guricel (Sawirro)

Wararka laga helayo degaanka Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Ciidamada maamulka ay qabteen Nin lagu tuhmay inuu is-miiidaamiye ahaa oo rabay inuu isku qarxiyo xus halkaasi ka socday.

Waxaa munaasabadda oo lagu xusayey Askartii Ahlu Sunna uga dhimatay dagaalladii dhex maray Al-shabaab ayaa waxaa ku sugnaa Madaxda Ahlu Sunna sida Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Madaxa Xukuumadda Galmudug She Maxamed Shaakir Cali Xasan, C/risaaq Maxamed Mire (Ashcari) iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegay in askari ka mida ciidamada uu arkay Ninkan laga haliyey oo ku socda halkii ay fashiyeen mas’uuliyiinta Ahlu Suna iyo Galmudug, wuxuuna isku duubay Ninkii, isagoo ka qabtay labada Gacmood inta uusan is qarxin. Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay fashiliyeen Nin isku-soo xiray waxyaabaha qarxa oo doonayay in uu isiu qarxiyo goob ay ku sugnaayeen Madaxda ka tirsan Maamulkaas.

Ciidanka Galmudug oo sii wada ninka la qabtay.
Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, guddoomiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo C/Risaaq Maxamed Mire (Ashcari).
Ciidanka Galmudug ee ka qeybgelayay munaasibadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON