Dembi oogaha dalka Kenya ayaa shaaciyey magacyada dadka loo xiray inay ku lug lahaayeen oo ay maleegeen weerarkii Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ka dhacay 15-kii Janaayo 2019.
Shan ruux oo loo qabtay weerarkan inay maleegaan ayaa waxa ka mida: Cismaan Ibrahim, Guuleed C/xakiim, Joel Ng’ang’a Wainaina, Oliver Kanyago Muthee, Gladys Kaari Justus, waxaana sido kale Booliska Kenya ayaa laga soo xigtay in ninkii isku qarxiyey gudaha Hotelka DusitD2 lagu magacaabi jiray Mahir Khalid oo ka tirsanaa Alshabaab-ka Kenya ee ka howlgala Gobolka Xeebta loona yaqaan Jeysh Al-ayman.
Dadka loo xiray kiiskan ayaa u badan darawallo taxsi iyo qaar la macaamilay kooxdii weerarka ku qaaday hotel Dusit, midkood wuxuu lacag xawaaladeed siiyay mid ka mida dableyda isagoo an aqoonsi weydiin, halka mid kale la sheegay inuu heysato dhalashada dalka Canada, sida ay sheegeen booliska Kenya.
