Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, isagoo wada dadaal lagu dardar gelinayo maamul u sameynta Galmudug oo culeysyo badan soo food saareen.
Tegista Ra’iisal wasaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ku soo beegantay iyadoo hoggaamiyaha Ahlu suna uu isna gaaray magaaladaasi, waxaana soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha ka baaqsaday madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.
Wararka caawa laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is-rasaaseyn ka dhacday magaalada oo uu ku sugan yahay Ra’iisal wasaaraha, waxaana agagaarka xarunta INJ ee madaxda Ahlu suna fadhiga ah isku rasaaseeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu suna.
Ahlu suna ayaa sheegtay in xarunta INJ lagu soo weerarray gaadiid dagaal si loogu khaarijiyo madaxda Ahlu suna, isla markaana ay ka hortageen, ayna jiraan qasaare.