Monday, June 23, 2025

Is-rasaaseyn dhex martay Ciidamo ku wada sugan Magaalada Dhuusamareeb & Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in is-rasaaseyn ay halkaasi ku dhex martay ciidamo ku wada sugan magaaladaasi.

Rasaasta ayaa u dhaxeysay ciidamada maleeshiyo ah oo xirnaa dareyska Booliska oo weerar ku qaaday ciidamada ilaalada ee ku sugnaa xarunta Shiirkole ee uu ka dhacayo Shirka Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, tasaaoo keentay inay isku dhacaan oo dagaal dhex maro, waxaana markii danbe xaaladda ay soo dhex galeen sarakiisha Ciidamada.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay hadda degan tahay oo ay socdaallo dadaalo lagu furdaaminayo xaaladda ka dhalatay ciidamada isku dhacay, waxayna arrintan saameyn ku yeelatay ergadii ugu horeysay ee maanta la dejiyey xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON