Wednesday, June 25, 2025

Isbaheysi Mucaarad ku ah Axmed Madoobe oo Muqdisho looga dhawaaqay [Kaalinta dowladda Federaalka]

Waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysi cusub oo mucaarad ku ah Maamulka Axmed Maxamed Islaamin (Madoobe), kaasoo ka shaqeyn doonta sidii xilka looga tuuri lahaa.

Isbaheysigan ayaa lagu magacaabay: Dib u soo Nooleynta Dimoqraadiyadda Jubbaland, waxaana guddoomiye ka ah C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo hore u soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumaddii hore, isla markaana u ahaa musharax xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jubbaland.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay gadaal ka riixeyso isbaheysigan iyadoo mudadda xil heynta Axmed Madoobe ay ku dhammaaneyso aakhirka sanadkan.

Axmed Madoobe ayaa taageero ka heysta dowladaga Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka, wuxuuna isu muujiyaa inuu taageero dowlada Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON