Wednesday, July 23, 2025

Isbaheysiga musharixiinta Madaxweynaha Galmudug oo 6 shardi ku xiray ka qeybgalka Doorashada [Akhriso]

Qoraal kasoo baxay Afar musharax oo sheegay inay u taagan yihiin xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay inay ka qeyb galayaan Doorashada marka la fuliyo shuruudo ka kooban 6 Qodob oo ay doonayaan in la fuliyo.

Afarta musharax ee C/raxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo C/llaahi Faarax Weheliye oo leh isbaheysi doorasho ayaa qodobadda ugu waaweyn ee dalbadeen waxaa ka mida in la kala diro Guddiga Doorashada ee dhowaan la magacaabay, lana soo xulo Guddi cusub iyo in Ahlu suna ka qeyb qaadato hannaanka iyo howlaha dhiman oo aanay cayimin.

Waxay kaloo afarta musharax codsadeen in la helo gacan saddexaad oo korjoogto ka noqota doorashada si looga hortago ku shubasho iyo musuq, iyagoo sidoo kale in loo ogolaado musharixiinta inay la kulmaan xildhibaannada oo waqti u helaan.

QORAALKA HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON