Wednesday, June 25, 2025

Isbaheysiga Sacuudiga & Imaaraadka oo dagaal looga digay ku qaaday Magaalo ku taalla dalka Yeman

Isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yeman ayaa bilaabay dagaal ay ku doonayaan in dib loogu qabsado dekadda Xudeyda ee dalka Yeman.

Dagaalkan waxaa dhinaca dhulka ka wada Ciidamo taageersan Sacuudiga iyo Imaraadka, halka ay taageerayaan ciidamada cirka iyo kuwa gaarka ah ee Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana saaka bilowday weerar culus oo lagu qaaday magaalad Xudeyda oo ah Deked muhiim ah oo ay gacanta ku hayaan jabhadaha Xuutiyiinta.

Q/Midoobay, Senatoro ka tirsan Koongareeska Mareyanka iyo ururrada samafalka ayaa uga digay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka inay weerar ku qaadaan magaalada dekadda ah ee Xudeyda iyagoo sheegay inay taasi dhalin doonto qasaare weyn iyo xayiraad ku timaada isha kaliya ee gargaarka laga gudbin jiray dalka Yeman.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay  in masiibo banii’aadam ka dhici karto. taasoo saameyn doonta dad ka badan Rubuc milyan ruux. Dekeddaas ayaa ah goobta ugu wayn ee ay ku xirtaan maraakiibta iyo doomaha wada gargaarka Yemen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON