Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa difaacay wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, isagoo dadweynaha ugu baaqay inay dulqaad muujiyaan.

Ra’iisal wasaaraha oo xalay ka hadlayey kormeer uu ku maray saldhigyada ciidamada iyo baraha ay magaalada ka degan yihiin ciidamada amniga caasimadda ayaa sheegay in la gaari doono waqti aan loo baahan baaritaan, laakiin uu fahmi karo dhibaatada ka jirta isu socodka magaalada.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Wasiirma Amniga iyo taliyayaasha ciidamada waxaan idinka mahad celinayaa fahamka iyo dulqaadka aad muujiseen.., waan ogahay in ay dhib tahay waqtiyo badan qaadato meeshii la aadi jiray, sababtoo ah in baaritan badan baabuurta lagu sameeyo, waxan idiin balan qaadayaa inaan sii dardar gelin doono howlaha baaritaanada inta laga gaarayo waqti aan loo baahan baaritaan badan, marka amnigoo dhan uu soo hagaaho, inta laga gaarayo ciidamada waxay ka shaqeeyaan inay badbaadiyaan nafta dadka Soomaaliyeed, dadaalkaas.. waxaan idinka codsaneynaa inaad kala shaqeysaan una dulqaadataan..” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

HOOS KA DHAGEYSO