Odayaasha Isimada dhaqanka Beesha Dhulbahante (SSC-khaatumo) ayaa go’aan ka qaatay doorashada Puntland, iyagoo caddeeyay inaysan qeyb ka ahayn doorashadaasi, cid ku meteli kartana aanay jirin Puntland.
Go’aanka ayaa Sabtida maanta waxa ku dhawaaqay Af-hayeenka isimada dhaqanka SSC garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, isagoo caddeeyay inaysan Khaatumo gebi ahaanba ka qayb geli doonin Doorashada Puntland ee 2024.
Waxay kaloo Go’aankooda ku sheegeen in isimada dhaqanka SSC-Khaatumo aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee Baarlamanka Puntland uga mid ahaa, kana imaan jiray degaannada SSC.
Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale go’aamiyay in aysan cid ka soo jeeda degaankooda u tartami karin doorashada soo socota ee 2024 madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Waxay Isimada SSC ugu baaqeen xubnaha ka tirsan guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ee ka soo jeeda SSC in ay xilka iska casilaan.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa caddeeyay inay ka madax-bannaan yihiin Puntland iyo Somaliland, isla markaana aysan ka qeyb gali karin doorasho maamulo kale.