Sunday, July 13, 2025

Isimada Puntland oo ka hor yimid Doorashada Qof & Cod iyo Siciid Deni oo diiday

Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Doorashada Maamul Goboleedka Puntland ayaa kasii daray saacadihii ugu danbeeyay, kadib go’aano ay soo saareen Isimada Dhaqanka Puntland.

Isimada ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku dalbaday in Doorashada Puntland ay ku dhacdo xilligeeda 8-da Janaayo 2024, waxayna go’aamiyeen in Baarlamanka Puntland ay soo xulaan odayaasha dhaqanka, isla markaana doorashadu ku dhacdo qaabkii hore ee 66 xildhibaan.

Madaxtooyada Puntland ayaa soo saartay qoraal jawaab ah oo ay ku caddeysay geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland la xaqiijin doono, isla markaana ay dhici doonto doorasho Qof iyo Cod ah.

Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go’an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay Isimada Puntland ee ahaa in Doorashada 2024 lagu qabto nidaamkii 66-da xildhibaan, iyagoo sheegay in looga baaqsan karo qalalaase iyo dagaal ka dhaca degaanada Puntland, iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Deni inuu raaco talada Isimada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON